WAA MAXAY XLOOKUP ? FAAHFAHIN GUUD
- Yahye C Mohamed

- Aug 10
- 1 min read
Updated: Aug 22
Microsoft Excel (XLOOKUP) Waa Qaacido Ku Diyaarsan Microsoft Excel iyo Google Sheet Ama Guud ahaan Spreadsheets. taa oo aad ku baari karto Jawaab Xog balaaran ku dhex Jirta ilbiriqsi Gudaheedna Jawaabta aad u Heleyso. isla Sheet-kaa ama Sheet kale.
Qaacidadaan Waa Qaacido ku Cusub Excel Lagana Helo Versions-ka Microsoft Office 365 iyo Microsoft Excel 2021 Kana Hormarsan Qaacidooyinkii Hore wax loogu baari jiray Sida VLOOKUP, HLOOKUP, INDEX + MATCH Guud ahaana Bedelay Hadii aad Adeegsato Excel Versions-ka aan soo xusnay
Qaacidadaan Waxa ay Kamid tahay Excel Dynamic Arrays sida FILTER, SEQUENCE Iyo Kuwa Kale.
Syntax ( Qaab dhismeedka Qaacidada )
XLOOKUP(lookup_value, lookup_array, return_array, [if_not_found], [match_mode], [search_mode])
Arguments
lookup_value → Waxa aad doonaysid in ad soo hesho.
lookup_array → Value-ga aad Raadinaysid Column-ka uu ku jiro
return_array → Jawaabta ad Raadinaysid Column-ka Laga helo.
Casharka Tusaalaha Qaacidada XLOOKUP





Comments